Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka WADDANI Dr Cirro Waxa Uu Gurigiisa Ku Booqday Abwaan Axmed Saleebaan Bidde Oo Xanuusanaya.

Hargeysa (GNN):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa gurigiisa magaaladda Hargeysa ku booqday Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo muddooyinkii u dambeeyey ku xanuusanayey.

Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro oo booqashada Abwaan ka uu ku wehelinayeen Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Xisbiga WADDANI Md Saleebaan iyo Afhayeenka Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun.

Dr Cirro iyo masuuliyiinta kale ee la sacday waxay Ilaahay uga baryeen Abwaan Axmed Saleebaan Bidde inuu xanuunka caafimaad degdega ugu badelo. Aamiin. Isagoo qoraalkan kooban soodhigay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka dadweynaha ee Facebook oo ku yidhi Dr Cirro “Maanta waxa aan gurigiisa ku soo booqday Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ayaamahan xaalad caafimaad u jiifay, Ilaahay Abwaanka caafimaad sariic ah ha siiyo, cimrigiisana ha raajiyo..Aamiin.”