Iran Oo Dil ku Fulisay Mulkiilaha Shabakadaha Ganacsiga Maandooriyaha Ugu Halista Badan Gobolka.

Iiraan ayaa xukun dil ah ku fulisay ganacsadaha weyn ee maamulayay shabakad ka shaqaysa maandooriyaha, kaas oo lagu naanayso Yaxaaska Gacanka Beershiya.

Masuuliyiinta ayaa sheegtay in la baabiiyay maandooriye uu tahriibinayay Yaxaaska waqtigii la qabanaya, isagoo kuguda jira dhoofinta in ka badan 100 tan oo maandooriye ah oo uu marinayay biyaha caalamiga ah.

Sidoo kale 36-jirkan iyo caawiyahiisa ayaa la dilay kaddib sanado badan oo ay socdeen howlgal sirdoon.

Dacwad oogaha gobolka Hormozgan, ee dalka Iran Cali Saalixi ayaa wakaaladda wararka ee ISNA u sheegay in ninkan lagu naanayso Yaxaaskaa uu ku howlgalayay magacyo iyo qaabab kala duwan, isagoo ku eedeeyay inuu hogaaminayay mid ka mid ah shabakadaha ganacsiga maandooriyaha ugu halista badan ee ka jira Iiraan iyo gobolkaba.

Dhinaca kale dacwad oogaha ayaa sheegay in xubno kale oo burcad ah lagu xukumay xabsi gaaraya ilaa shan sanadood iyo ganaax culus, isagoo burcaddaasi ku eedeeyay inay wadeen hannaan ay lacago sharci darra ah isaga kala gudbinayaan, taasoo ay u isticmaalaan ganacsiga maandooriyaha iyo inay ku iibsadaan guryo isku xiran, kuwaas oo qaarkood ay dowladda la wareegtay.