Masuul Qayb Ka Ahaa Qorista Buug Siyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye Wakhtigii Ololaha Oo Xisbi Cusub Kagaga Dhawaaqay Muqdisho.

Muqdisho(GNN):-Prof. Cismaan Abubakar Dubbe, oo ka mid ahaa aqoonyahannadii Qoray barnaamijka Xisbiga KULMIYE, ee uu olalaha ku galay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub.

Prof Cismaan ayaa la’sheegayaa in uu u tartamayo jagada Madaxweynaha Federalka Somalia ee doorashada sanadkan 2020/21.

Xisbiga cusub ee uu ku dhawaaqay ayuu u bixiyey Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Barwaaqada ee HILOW.

Cismaan Abokor ayaa ka soo jeeda magaalada Burco ee gobolka togdheer.