Maxay dowladda Shiinaha raaligalin u siisay dumarka xirta bajaamooyinka?

Saraakiisha dowladda hoose ee magaalada Suzhou ee dalka Shiinaha ayaa raaligalin ka bixiyay ficil ay ku dhaqaaqeen oo ahaa in dumar soo xirtay gashiga xiliga jiifka ee Pajamada lagu caayo labiskooda.

Sawirro ay qaadeen kaamirooyinka aan libiqsan oo dumarkan ku saabsan ayaa lagu baahiyay interner-ka, waxaana la raaciyay magacyada dumarkan, iyada oo lagu tilmaamay ‘dumar aan ilbax ahayn”.

Dowladda Shiinaha ayaa kordhisay kaamirooyinka dhaqdhaqaaqa dadka lagula socdo.

Labo sano ka hor, Shiinaha waxa uu rakibay 170 milyan oo kaamiro, sanadka 2020-ka marka uu dhamaadana waxa tiradaas la gaarsiin doonaa 400 milyan.

Qaar badan oo kaamirooyinkan ah ayaa lagu shubay barnaamijyo casri ah oo aqoonsan kara qofka ay kaamirada sawirayso.

Saraakiisha dowladda hoose ayaa ku dooday in magaaladooda a ku jirto tartan dalka dhan ka dhaca oo lagu xulayo magaalada ugu ilbaxnimada badan, sidaas darteedna ay dadka deegaanka ku haboonayn in ay xirtaan dharka bajaamaha.

Falkan ay saraakiisha dowladda ku kaceen ayaa carro badan ka dhaliyay baraha bulshada.

Intaas kadib, saraakiisha waxa ay sheegeen in sawirka dadka ay shucaac ku furi doonaan marka ay soo bandhigaan, balse ay wadayaan in dadka ay ka wacyigalin doonaan xirashada dharkan.