Milicsiga Xadhigii Suldaan Maxamed C,qaadir Xukuumadii Madaxweyne Cigaal iyo Mudaharaadkii Shacabka Hargeisa Qaybo Kamid ah.

Hargeisa(GNN):-Xusuusta Taariikhdu Markii ay ahayd sannadkii 2000/11/11 ayaa xukuumadii Wakhtigaasi ee Marxuum madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ay Xabsiga u Taxaabtay Suldaan Maxamed Cabdi Qaadir oo Wakhtigaa ka Qayb galay Shir somalia oo lagu qabanayey Dalka Djabouti, Shirkaas oo Loogu magac Daray Shirka Carta ayaa Markii uu kasoo Laabtay Waxay Xukuumadii Wakhtigaasi Xabsiga Ku hubsatay Suldaanka, taasina waxay Sababtay Mudaharaad ay Sameeyaan Qaybo kamid ah Shacabka Ku Nool Degmooyinka maxamed Mooge iyo xaafadaha new Hargeisa, sidoo kale waxaa Wakhtigaasi isna Madaarka kasoo degayey madaxweyne cigaal oo safar shaqo kasoo laabtay iyadoo mudaharaadkii uu sababay in Madaxweynuhu kasoo baxo wadada marta xaafada Masalaha iyo isha boorama kadib markii la xidhay Wadada kasoo baxda Madaarka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Wakhtigaasi.