Wararka Caawa naga soo gaaray Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa sheegaya in daqiiqado kahor laga maqlay Madaafiic xoogan oo lagu weeraray safaarada Maraykanka ee Baqdaad iyo Saldhig ciidan uu ku lahaa magaaladaasi.
Madaafiicda ayaa waxaa wararku sheegayan inay ku dhaceen agagaarka Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Baqdaad.
Sidoo kale Madaafiicda ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan, waxaana ku dhaawacmay 4 qof, iyadoona loola cararay xarumaha Caafimaad ee ku yaalla dalkaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya Hoobiyeyaal kale lagu weeraray Saldhig Ciidanka Mareykanka ay leeyihiin Waqooyiga Magaalada Badqaad, isla markaana waxaa ku sugan Ciidan Mareykan ah oo aad u badan.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka oo ay hadlayaan Madaafiicda Caawa lagu garaacay Saraafada ay ku leeyihiin Badqaad.















