Shilaabo: Saddex Carruur Walaalo Ah Oo Ku Geeriyooday Barkadd Biyood Ay Ku Dhaceen

Hargeisa(Jigjiga):-Saddex Caruur ah oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday degmada Shilaabo ee dowladd deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia kadib markii ay ku dhaceen barkadd biyood ay dadku ka cabaan.

Wararka ka imanaya deegaankaasi ee shilka caruurtan barkadda ku dhacday  ayaa sheegaya in Carruurta geeriyootay ay isku dayeen inay ku dabaashaan Barkadda balse markii ay galeen kaddib ay ka soo bixi waayeen, sidaana ay ku dhinteen.

Carruurta ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xongor Iraad Cabdi oo 7-sano Jir ahaa, Jaamac Iraad Cabdi oo 6-sano Jir  ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4-sano jir ahaa.

Dadka deegaanka lagu magacaabo Shilaabo oo ah halka ay masiibadani ka dhacday ayaa si weyn uga naxay geerida Caruurta Walaalaha ahaa.

 

Gabiley News Network

Jigjiga Ethiopia Office