Trump oo doonaya in si deg deg ah loogu dambi waayo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Isniintii diiday dacwadaha xil-ka-xayuubin ee ay kusoo rogeen Dimqoraadiga, waxaana uu ku baaqay in Senate-ka uu sii deg deg ah ugu gacan seero.

“Senate-ka waa inuu diidaa Qodobada Xil-ka-xayuubinta, islamarkaana ay si deg deg ah dambi ugu waayaan madaxweynaha.” Ayaa lagu yiri qoraal ka kooban 116 bog oo ku saabsan maxkamadeynta, kaasi oo kasoo baxay Aqalka Cad.

Aqalka Wakiilada ee ay hoggaamiyaan Dimqoraadiga ayaa madaxweynaha kusoo oogay laba dacwad xil-ka-xayuubin oo kala ah; ku takri fal awoodeed iyo is-hortaag uu ku sameeyey Congress-ka.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha aqlabiyadda Aqalka Senate-ka Mareykanka, Mitch McConnell ayaa Isniintii soo jeediyey xeerar si deg deg ah usoo geba-gebeyn doona maxkamadeynta xil-ka-qaadis ee madaxweyne Donald Trump, ayada aysan jirin wax damaanad ah oo lagu ogolaanayo caddeymo iyo marqaati furayaal cusub.

Qaraar uu shaaca ka qaaday McConnell ayaa dacwad-oogayaasha Aqalka Wakiilada ee Dimqoraadiga ah iyo qareenada difaacaya Trump siinaya 48 saac midkiiba, si ay usoo bandhigaan doodahooda.

Qaraarkan oo loo codeyn doona maanta, ayaa sidoo kale waxaa ku jira in Senate-ka uu ogolaado caddeymaha loo adeegsaday maxkamadeyntaii Dimqoraadiga iyo in kale.

REUTERS