Barnaamijka Qiimeyn Qaran Oo Sannadkiiba Hal Mar La Qabto oo Abaal Marino Gudoonsiiyey Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Barnaamijka Qiimeyn Qaran Oo Sanadkiiba hal mar La qabto ayaa habeenkii xalay ahaa Lagu gudoonsiiyey Abaal marino kala duwan Masuuliyiin isugu jira Xubno wasiiro ah iyo Madax kale.

Barnaamijkan oo Sanadkii labaad La Qabtay Ayaa Ururka Soo Agaasimay oo ah dhalinyar iskood isku xilqaamay  Ayaa Lagu Magacaaboo Qiimee Qarankaaga.

Waxaana munaasibadan Balaadhan Oo Abaal marino Lagu Gudoonsiinayey masuuliyiintii Sida Fiican Uga dhex muuqday Xukuumada sanadkii dhammaaday ee 2019 lagu qabtay magaalada Hargeisa.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Xafladan Abaalmarinaha lagu Gudoonsiiyey Madaxda Qaranka Somaliland.