Daawo Gudoomiye Cirro Oo Dalka Yimid Ayaa Ka Warbixiyay Kulankii Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Farmaajo

Dr Cabdiraxmaan Ciro Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Goordhaweyd Hargeysa Kusoo Laabtey Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Kulankii Ay Wada Qaateen Madaxweyne Biixi Oo Uu Sheegay Inaanu Ahayn Mid Ay Isku Sii Ogaayeen Markii Hore Balse Madaxweynuhu Dalbaday Inay Is Arkaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucidna Ogaa Ayaa Waxa Uu Yidhi .

“Dalku Doorasho La,aan Ku Socon Maayo’ Aniguna Doorasho La’aan Sii Joogi Maayo, Muusena Doorasho Laan Sii Joogi Maayo, Guusha Doorashada In La Qabto Madaxwaynahaa Yeelan Doona Guul Daradeedana Isagaa Yeelan Doona”

“Mawqifkii labada xisbi ee ay ku midaysanaayeen ee ahayd in komishankan cusub lakala diro kii horena lasoo celiyo waa sidiisi ”

“Arinta kala dirista komishanka doorashada isfahan kamaanan gaadhin aniga iyo madaxweynuhu , balse rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in doorashadu dhacdo ”

“Anagu qeyb kamaanan ahan kulanka farmaajo iyo madaxweyne biixi waxaase waajibka saaran madaxweynuhu yahay inuu si daah furan shacabka ugu sheego wixi lagu wada hadlay ”

“Arinta miisaaniyada waan isla soo qaadnay in xisbiyada lacagtii lasiin jiray sidii hore loo daayo balse ma jirto lacag si gaara xisbi loo siinayo”

Dr Cabdiraxmaan Ciro .