Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada Dawlad Deegaanka Itoobiya oo ku Raad Jooga Gacan ku dhiigle dil ka Gaystay Tuulada Gumar Hawd ee ka tirsan Gobalka Hawd.

Baligubadle(GNN):-ciidanka booliska gobolka Hawd iyo ciidanka Itoobiya gaar ahaan ciidanka booliska degmada Xarshin ayaa si wada jir ah uga wada hawl galay dil ka dhacay tuulada Gummar oo 18 KM dhinaca galbeed ka xigta xarunta gobolka Hawd ee Balli gubadle,sida uu xalay wargeyska Dawan u xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Maxamuud Shide.

Guddoomiye Shide oo isagoo ku sugan magaalada Blligubadle, xarunta gobolka Hawd khadka taleefanka ugu warramay wargeyska Dawan, waxaa uu intaa ku daray in dilku dhacay shalay abbaaro todobadii subaxnimo isla markiibana ay ka hawl galeen lakiin gacan ku dhiiglihii dilka geystay uu u baxsaday oo uu u tallaabaay dhanka Itoobiya ka dibna ay si deg deg ah usoo war geliyeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirka arrimah gudaha Somaliland ayuu guddoomiye Shide sheegay in uu markiiba soo qabashada gacan ku dhiiglaha in uu ka hawl galay isla markaana uu deg deg ula xidhiidhay dawladda Itoobiya ka dibna dhanka Itoobiya laga soo diray shan gaadhi oo ciidan ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada Xarshin.

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay dilku xilliga uu dhacay, cidda ku geeriyootay iyo halka uu ka dhacay iyo tallaabooyinka ay ka dawlad ahaan kaga hawl galeen ayaa yidhi. “Horta waxaan tacsi u dirayaa qoyskii ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Nimcaan Xuseen Balayax oo saaka (shalay) lagu dilay Tuulada Gummar, waxaanan ALLE uga baryayaa in uu Marxuumkana u naxariisto qoyska uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.dilku wuxuu dhacay saaka(shalay) abbaaro todobdii subaxnimo, isla markii uu dhacayna ka maamul gobol ahaan iyo ka ciidan booliis ahaanba wada jir ayaan uga hawl galnay gacan ku dhiiglihii markiiba wuxuu u tallaabay dhanka dalka Itoobiya maadaama uu xadku u dhawaa,isla markii uu ka gudbay Somaliland dhulkeedaba waxaanu deg deg u war gelinay wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo aanu u sheegnay dilka dhacay iyo in gacan ku dhiiglihii u baxsaday Itoobiya,wasiirkuna arrinta kama fadhiisan ee dawladda Itoobiya,waxaana markiiba naloo soo diray shan gaadhi oo ciidan ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada Xarshin ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Markaas ayaany ciidanka Somaliland iyo ciidanka Itoobiya oo ay kala hoggaaminayaan badhasaab ku xigeenkayga Iid Maxamuud Hoorri iyo Guddoomiyaha degmada Xarshin Mukhtaar Maxamed Xuseen ayaa hawl gal ballaadhan ku wada dhaqaaqay illaa haddana hawl galkii wuu socdaa,waxaana naga go,an in aanu gacanta ku soo dhigno.”

Guddoomiyaha gobolka Hawd oo ka hadlayay tallaabooyinka kale ee ay qaadeen iyo siday uga hor tageen in falkaa dilka ah in aanaay ka dhalan in cid kale oo aan waxba geysan in aan dhibaato ka soo gaadhin, ayaa yidhi. “Waxaa kale oo aanu ka maamul gobol ahaan ka hawl galnay in aan dilkaa dhacay dhibaato kale cidi kasoo gaadhin waxaanan soo kaxanay Odayaashii labada dhinac oo nagala hawl galay soo qabashada gacan ku dhiiglaha imikana waxay la socdaan odayaasha labada dhinac ciiidanka, dadkana waxaan u sheegnay in dawladdu ay ku daba jirto gacan ku dhiiglihii
isla markaana la is dejiyo, Marxuumkana Meydkiisii waxaanu usoo gudbinay Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo tallaagadda ayuu ku jiraa. Markaa imikanaa hawl galkii wuu socdaa labadii ciidan ee Somaliland iyo Itoobiya iyo madaxdii hoggaaminaysayna wy ku raad joogaan gacan ku dhiiglihii xilliguna waa habeennimo markaa halkaas ayay hadda hawshu noo maraysaa.”

Image may contain: one or more people and outdoor