Deg Deg Daawo :-Aaqil Maxamed Cabdi Qawdhan Oo Beeniyay War Lagaga Been Sheegay Oo Lagu Daabacay Hadhwanaagnews.

Gabiley(GNN)Aaqil Maxamed Cabdi Qawdhan Oo Ka Mida Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gabiley Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Fadeexad Iyo Hadalo Been Abuuro Oo Uu Xambaarsanaa Maqaal Lagu Qorey Shabakada Hadhwanaagnews Oo Lagaga Been Sheegay Aaqil Maxamed Cabdi Qadhwan.

Aaqilka Ayaa Si Adag U Beeniyay Qoraalkaasi Lagu Daabacay Shabakada Hadhwanaag Wuxuna Aaqilku Sheegay In Ay Tahay Been Sal iyo Raad Laheyn, Oo La Doonayo In Lagu Waxyeeleeyo Wanaga Iyo Xidhiidhka Wada Shaqeyneed Ee Ka Dhaxeeya Xukuumada Iyo Odayaasha Dhaqanka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Sido kale Maqaalka Ayaa Lagu Daabacay In Uu Jiro Hirdan Loogu Kala Badinayo Awooda Madaxweynaha Arintaasina Aaqilku Wuxu Ku Tilmaamay Been Cad Oo Lagu Waxyeelaynayo Sharafka Xukuumada Iyo Nidaamka Dawladnimo Ee Jaanqaaday.

Aaqilka Ayaa Iftimiiyay In Ka Madaxdhaqmeed Ahaan Ay Markasta Iyo Goob kasta Ay Ka SHaqeeyaan In Saluuyo Qabyaalada Oo Laysku Soo  Dhaweeyo Bulshada Si Meesha Looga Saaro Qabyaalada Iyo Qoqobka Bulshada.

Aaqil Maxamed Cabdi Qadhwan Ayaa Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maayerada Wajaale Iyo Gabiley iyo Talyaha Qeybta Booliska Gobolka Waxa Uu ka Codsaday in Ay Talaabo Adag Qaadaan Isla Mar Ahaantaana Ay Gacan Bir Ah Ku Soo Qabtaan Qofkii Qoraalkaasi Been Abuurka Ah Soo Daabacay Ee Doonayay In Uu Xumeeyo Sharafka Iyo Sumcada Odayaasha Dhaqanka.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET