Farmaajo Oo Doonaya In Wadahadalada Lagu Furo Kulan Dhex Mara Labada Madaxweyne Iyo Biixi Oo Ka Gaws Adaygaya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa doonaya inay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi yeeshaan kulan toos ah si dib loogu furo wada hadaladii labada dawladood. Laakiin Madaxweyne Biixi ayaa isna doonaya in dib loo dhigo kulanka labada madaxweyne oo wada hadalada lagu bilaabo ergo ka kala socota labada dal.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, Madaxweyne Farmaajo wuxuu u sheegay wufuud ka socotay dalalka wada hadalada dabada ka riixaya ee Turkiga iyo Sweden in wada hadalada lagu furo kulanka labada Madaxweyne, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa isna u sheegay ergadan inaanu Farmaajo daacad ka ahayn wada hadalada, balse uu doonaya inuu samaysto kaadh uu ku galo ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo horaanta kal dambe qoondaysayn inay qabsoonto, waxaanu Madaxweyne Biixi doonayaa in wada hadalada lagu bilaabo inay is arkaan ergo ka kala socota Hargeysa iyo Muqdisho.

Waxase u kala dab qaadaya labada Madaxweyne diblomaasiyiin ka kala socota Sweden iyo Turkiga iyo xarunta xalinta khilaafaadka dunida ee ‘The center for humanitarian dialogue’, kuwaas oo doonaya in la isugu yimaado meel dhexe si ugu yaraan loo bilaabo wada hadalada hakadku ku yimid markii uu Madaxweyne Farmaajo talada Soomaaliya qabtay.

Geesta kale, wargeyska Indian ocean newsletter, ayaa cadadkiisiis shalay qoray in Midowga Afrika ka diiday dalka Turkiga inuu goob-jooge ka noqdo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Midowga Afrika doonayaa inuu gadhwadeen ka noqdo wada hadalada, balse aanu marti uga noqon Turkiga.

Si kastaba ha ahaat, dalal badan ayaa dabada ka riixaya in dib loo furo wada hadalada labada dal oo uu Turkigu intooda badan martigeliyay.