Gaadiidka dadweynaha ee Hargeysa iyo wakhtiyadda kala duwan marxaladda ay ku kala sugan yihiin, Barkhad Ladiif-Waxan Qoray : 20/2-2013

Sida caadadda ah shaqo maalmeedka dadweynaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa waxay bilaabantaa afarta subaxnimo ka hor saaladda subax ee aroortii, waxaanay wakhtigaasi rasmiyan u bilaabma adeegsiga gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Basaska, waxaana wakhtigaa u badan oo raaca haweenka ka ganacsada khudaarta, hilibka iyo maqaayadaha, waxa kale oo iyana adeegsada baabuurtaasi raga farsamo yaqaaniinta ah ee guryaha dhisa oo iyagana aroorta hore kalaha.
Inta badan wakhtigan oo madow ah waxaad arkaysaa haddii aad soo kacdid haween badan oo wadooyinka hareeraheeda ku sugaya basaska si hawlahoodda u soo qabsadaan, halka basaska qudhoodu marka uu laamidda marayo uu hoon dheer ku dhufto si dadka aan laamidda soo gaadhin usoo cararaan isla markaana isku tuso inuu meesha marayo, maadaama oo habeen tahay mararka badana ay ceeryaamo ama dhado dhacayso oo aanad arkeyn qofka ka horeeya. Dadka inta badan soo raaca wakhtigaasi waa dad soo toosay oo aan hadal iyo rabash u baahneyn, waxaana lagu fuula baska aamusni, aamusina waa lagaga degaa.
Lixda ilaa toddobadana waxa bilaabma gaadiidka gura ardaydda kala duwan oo waxbarasho u aadaya dugsiyo kala gedisan, waxaanay ardaydaasi iskugu jiraan heer dugsi hoose ila xeer jaamacadeed, wakhtigaasi gaadiidka wadada maraya waa kuwo xawaare sare ku socda oo dadajinay ardayda si ay jaanis kale oo ay dadka caadiga ah u qaadan u helaan, waxaana wakhtigaasi wadooynka mashquuliyey arday farobadan oo kala dirays ah maadaama oo dugsi waliba dirays u gaar uu leeyahay, taasina waxay kor u qaday bilicda ardaydda oo marka aad aragtid arday faro badan oo basas suga oo xidhan dirayskii iskuulkooda indhahaaga ayaa aad u jeclaysanaya daawashadoodda.
Barqadii ilaa kowda duhurnimo waxa gaadiidkaasi dadweynah adeegsada dadka waaweyn ee aan shaqooyinka hayn, balse makhaayadaha u tagaya sidii ay dhigoodda kale ula soo sheekaysan lahaayeen, haseyeeshe wakhtigaasi waa wakhtiyada uu basku ugu buuqa badan yahay, isla markaana baska dhexdiisa ay dooddo adag ku dhexmarto rakaabka saaran Baska, mararka qaarkoodna waxa dadweynuhu u qaybsamaan laba qaybood oo aad u kala aragti duwan, inta badana waxa hadalka bilaaba odayaaasha baska fuushan si ay madaadalo uga dhigtaan intay meeshi ay rabeen ku socdaan, kuwaas oo ka hadla hadba waxa maalintaasi jira ama waxa warbaahinta laga sheego, taasina waxay keenta buuq badan, waana wakhtigu uu ugu buuqa badan yahay gaadiidkaasi.
Wakhtiyada galinka dambe waxa gaadiidkaasi isticmaala waa ardayda galinka dambe wax barata oo u badan hablaha aroortii guriga lagaga tago, wakhtigaasi ma buuq badna oo qof waliba waxa uu baska dhexdiisa ku akhrisanayaa buugaag uu sito ama waxa uu ku degdegayaa waxbarashaddii.
Wakhtiyo kala duwan oo aan rakaabka dadweynaha la raacay, si aan uga diyaariyo barmaamijkan wakhtiyadda ay dadweynuhu gaadiidkaasi isticmaalayaan iyo maraaxilka ay ku kala sugan yihiin, ayaa waxa isoo jiitay, isla markaana aan aad ula yaabay wixii ka dambeeye toban iyo badhka habeenimo ilaa 12:30 dadka gaadiidkaasi raaca, oo u badan dadka shaqooyinka habeenkiii xiliga dambe ka soo rawaxa ee suuqa fadhaysta, gaar ahaan dadka jaadka iibiya iyo kuwo qaliyaba.
Wakhtigaasi marka aad soo raacdid waxa baska kula soo fuulaya niman koodadh waaweyn xidhan, budad sita, wajigoogaa aad ka naxaysid oo aan cidna la hadlayn, baska inta la fuushan yahay qof qof lama hadlayo xiitaa Dirawalka iyo shaqaalaha baska ee lacagta ururinayaa waa la mid raga fuushan baska, dhamaantood way wada mirqaansan yihiin, wajigoodda naxariis iyo waji furnaan kuma arkaysid, waxa baska ka shidan heesihii hore oo inta badan ay dhagaystaan dadka xiligaas soo raaco baska, wakhtiyo kala duwan oo aan soo raacay waxa basaaska dhagaysnayaan waa heesaha Maxamed Mooge oo ay dadka waaweyn iyo inta qayishaa jecel yihiin, waxay u muuqdaan qaar dhuuxaya midhaha heesta si fiican oo deganaasho ku jirtana ula socda hadba heesta uu fanaankaasi ku luuqanayo.

qaybta hore