Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Tog Wajaale Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Shacabka Uu Baxay Marxuum Caaqil Gaydh Cige Oo Ku Geeriyooday Gabiley.

                             INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN;

TOG WAJAALE(GNN):- Gudoomiye kuxigeenka degmada Tog Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii iyo Qaraabada iyo shacabka Gobolka Gabiley Geeridii Ku Timid Marxuum  Caaqil GAYDH CIGE Oo Caawa Fiidkii Ku Geeriyooday Magaalada Gabiley.

“Waxaan Halkan Tacsi Tiiraanyo leh Uga Dirayaa, Anigoo ku Hadlaya Magaca Maamulka Degmada Tog Wajaale iyo Guud Ahaan Shacabka Gobolka Gabiley  Geeridii Naxdinta lahayd Ee Marxuum Caaqil Gaydh Cige Oo Caawa ku Geeriyooday Magaalada Gabiley Marxuumku wuxuu kamid ahaa Madaxdhaqameedka Gobolka Gabiley, Kana mid Ahaa Odayaashii Doorka Shariifka kasoo qaatay Dib Udhiskii Jamhuuriyada somaliland Waxaan Leeyahay Dhamaanteed ILAAHAY SAMIR IYO IIMAAN Gaar Ahaan Qoyska iyo Qaraabada Uu Ka Baxay Marxuumkana waxaan Ilaahay uga Baryaynaa Janatul Fardowsa In ILaahay Geeyo Su,aashana Ufududeeyo”,

 Aamin Aamin.

GUDOOMIYE KUXIGEENKA DEGMAD TOG  WAJAALE EE GOBOLKA GABILEY