Halkan Ka Daawo:Askari Boolis Ah Si Arxan Darro u Dhirbaaxaya Gabadh iyo Shacabka Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay.

Hargeisa(GNN):-Shacabka Somaliland ayaa Si Adag uga Soo horjeestay kadib Markii Muuqaal laga Duubay Askari ka tirsan Ciidamda Booliska Somaliland Oo Si kabaxsan anshaxa iyo Akhlaaqda askarinimo ugu gacan qaadaya haween loo maleynayo inay Wadatay Baabuur Wadada Taagan.

Inkasta oo aan War rasmi ah kasoo Bixin Taliska Ciidamda booliska Somaliiland Hadda Waxaa Shacabku Markiiba Ka muujiyeen dareen Argagax leh oo cadho galisay qofkasta oo arkay muuqaalkan kadib markii hal mar uu baraha bulshada qabsaday Muuqaalkan koobani.

Bulshada Somaliland ayaa u Dhegtaagaysa Talaabada uu ka qaadi doono Taliyaha Ciidamda Booliska Somaliland Gen Maxamed Aadan Saqadhi Janno Gale, oo culimada iyo Waxgaradka Somaliland ku aamaaneen Dadaalada Horumarineed uu kusoo kordhiyey Ciidamda Somaliland.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Gabadha La Dilayo.