Kulan lagu Ansixinayey Xeer Nidaamiyaha Hagaha Baadhisaha Casriga Oo Furay Ku Xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranku.

Hargeisa(GNN):-Ku Xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Mudane Sacad C.laahi Riraash Ayaa Maanta Furay Kulan lagu Ansixinayey hagaha Baadhisaha Caalamiga ah ee Xafiiska hantidhawrka Qaranka Somaliland.

Xeer Nidaamiyahan Oo ah Kii Lagu Dabaqi lahaa baadhisaha Laamaha kala duwan ee dawlada ayaa ah Mid Ay Iska Kaashadeen Xafiiska hantidhawrka Qaranka Somaliiland iyo Khubaro Ku Xeeldheer arrimaha Baadhisaha Caalamiga ah ee Dhinaca Hantidhawrka Qaranka.

Ku Xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Mudane Sacad C/laahi Riraash Ayaa Sheegay In Xafiiska hantidhawrku Noqon doono Sanadkan Mid Sameeya baadhisihii gu Badnaa ee uu Sameeyey Xafiisku, isagoo Sheegay In Door weyn ay ka qaadan doono Tababarada iyo Kor u qaadida Shaqaalaha kala duwan ee Xafiiska hantidhawrka qaranka oo Lixdii bilood ee ugu danbeeyey Lagu Waday Kor U qaadid dhinaca aqoonta ah iyo Saraakiisha xafiiska oo Tababaro isku Xig xigay Loo Qabtay.

Halkan Hoose Ka Daawo Nuxurka Warkan Maanta. 

https://youtu.be/ue86e0mvdS0