Madaxweyne Buhari: boqolkiiba 90 dadka ay dhibaateeyeen Booko Xaraam waa Muslimiin

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in dadka ugu badan ay dhibaatada kasoo gaartay weerarada Booko Xaraam ay yihiin bulshada muslimiinta ee ku nool Nigeria.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha sheegay in kooxahan ay diinta u adeegsanayaan sidii ay u kala qeybin lahaan shacabka, sida laga soo xigtay warbaahinta Christianity Today.

Buhari ayaa sheegay in boqolkiiba 90 dad dhibaatada ay kasoo gaartay weerarka Booko Xaraam ay yihiin muslimiinta dalkaas.

Wuxuu ka dhawaajjiyay in dhibaatooyinka ay kamid yihiin “inay rasaas ku fureen misaajido, dilka labo imaam iyo afduub u geysteen 100 gabdhood ardey ah oo muslimiin ahaa”

Madaxweyne Buhari ayaa hadalkan sheegay xilli uu tacsi u dirayay hogaamiyaha diinta Kiristaanka Rev Lawan Andimi kaas oo intii la afduubtay kaddibna la dilay, waxaana dilkaas looga shakinsan yahay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka Booko Xaraam.