Madaxweyne Somaliland Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Ehelkii iyo Qaraabadii uu Ka Baxay Marxuum Alle haw Naxariistee Ganacsade Cali Maaweel.

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee ganacsade Marxuum  Cali Maweel Diiriye, oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 03/02/2020, dalka Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa ganacsatada waa weyn ee dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac