Muxuu Yahay Heshiiska Ay Wada Gaadheen Xisbiyada Mucaaridka iyo Madaxweynaha jsl.? Halkan Ka Akhriso Qodobada.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Shir ballaadhan oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mida axsaabta mucaaridka, ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad buuxa lagaga gaadhay khilaafkii qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka sidoo kalena  ay xisbiyada mucaaridka ahi kusoo buuxinayaan labadii xubnood ee ka dhinaa guddida cusub ee doorashooyinka qaranka, si ay gudida doorashooyinka qaranka ee hada xilka hayaa u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah, iyada oo xubnihii hore ee gudida doorashooyinku ay noqon doonaan xubno  farsamo ahaan iyo khibrad ahaan u kaabi doona gudida doorashooyinka qaranka.

 

Heshiiska ay madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hoggaanka Axsaabta mucaaridka ahi kala saxeexdeen, ayaa u dhignaa sidan: