Alle Haw Naxariistee Waxaa Dalka Sucuudiga Ku Geeriyooday Wiil uu Dhalay Madaxweynihii Hore S/lnd Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Hargeisa(GNN):-Wararka Laga helayo Dalka Sucuudiga Ayaa Xaqiijiyey Warkan Dhiilada leh ee Geerida Wiilka uu Dhalay Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Alla ha u naxariisto marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Waxaa uu ku  geeriyooday magaalada Damam ee dalka sucuudiga,

Marxuumka ayaa la Sheegay in uu u Geeriyooday xanuun wadnaha kaga soo booday.

Alle Haw naxariistii Marxuumka Ayaa kamid ahaa Wiilasha uu ka tagay Madaxweynihii hore Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Inta Badan Ka Shaqeysan Jiray Dalalka Dibeda, wax ku bartay Dalka ingiriiska iyo dawlado kale.

Alle haw Naxariisto marxuumka Isaga iyo Intii Umada Muslimka ah ee Geeriyootay.