Halkan Ka Daawo:Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Ayaa War Cusub Ka Soo Saartay Masaajidada Jimacaha Lagu Tukanaayo.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheikh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo kamida guddida qaran ee ka hortaga caabuqa Covid19, ayaa mar kale farriin uu u diray culimada masaajidada ku sheegay in ay wakhtigii salaada Jimcaha lagu jirayey masaajidada ka soo gaabiyaan sidii hore, si looga taxadiro duruufaha caafimaad ee jira.

Wasiirka oo goor dhaweyd shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sidoo kale dadweynaha ku booriyey in sababaha la xidhiidha foojignaanta  Covid19 dartood “waa in Masaajidada yar yar ee aan hore loogu tukan jimcaha lagu tukado si loogu kala nefiso halkaas”ayuu yidhi Wasiirka Diintu.

Guddida qaran ee ka hortaga caabuqa Covid19, ayaa hore u beyaamiyey in ay culimadu salaadaha jamaca ah raaciyaan ducada qunuuda ee la akhriyo marka loo sujuudayo ragcada u dambeysa ee salaadaha. “waxa kale oo aan mar kale ku celinayaa oo aan culimada ku adkaynaynaa in ay salaadaha jamaca raaciyaan ducadii qunuuda ahayd sidii guddidu hore u sheegtay”ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiir Khaliil.

Halkan ka Daawo Muuqaal: