Itoobiya Oo Shaacisay Inay Qabteen Konteenar Hub ah Oo Uga soo Gudbay Xadka Jabuuti.

Addisabab(GNN):-Saraakiisha sirddoonka Itoobiya ayaa telefishinka dowladda u sheegay inay qabteen koonteenar uu ka buuxo hub sharci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dekedda Jabuuti.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay Itoobiya soo geliyeen kooxo caalami ah oo ka ganacsato hubka sharcidarrada ah Sida laga soo xigtay warbaahinta.

Hubkan Ayaa Qiimihiisa lagu qiyaasay Ilaa 13milyan oo Dollar,waxaana ku jira ilaa 18,000 oo baastooladood.

Saraakiishanka ka tirsan Ciidamada Sirdoonka Dawlada Itoobiya ayaa Sheegay Inay dad tiradoodu dhan tahay 24 qof u qabteen  oo looga shakisan yahay inay hubkan ka danbeeyeen ahaayeena kooxda wadatay, sidoo kale laba kamid ah dadkan loo hayo hubkan ayaa ay sheegeen inay u dhasheen Dalka Suudaan.

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Arrintan 

Gabiley News Network