Ma Noqon Doonaa Shirwaynaha Afraad Ee Xisbiga Kulmiye Mid Loo Tartamo Guddoomiyaha Iyo Hoggaanka Sare Oo Gudihiisa Dimuquraaddiyaddi Ka Dhacdo,Sidii Shirwaynihii Labaad?..W/Q-Sacad Gadhle.

Mise Waxuu Noqon Doonaa Mid Lagu Gowraco Tartankii Dimuquraaddiyadda Ee Gudaha Xisbiga Kulmiye Ka Dhici Lahaa,Sidii Shirwaynihii Saddexaad

Mar hadii ducaalow
Xeer lagu dabraayoo
Xisbinnimada daafaca
Sharcigooda lagu darin
L aba daran mid dooray
Dadka ay u joogtaa

Maanso Daabacan 2016 Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Taariikhdu ma duugowdee,muddo laba iyo toban sanno ah ayaa laga joogaa markii ugu dambaysay ee gudaha Xisbiga Kulmiye tartan dimuquraaddi ahi ka dhaco.Iyadoo dimuquraaddiyaddii gudaha Xisbiga Kulmiye ka dhacday ay ku tartameen siyaasiyiin saaxiibo dhow ahaa,halka muwaadiniita u ololeeya dardar galinta iyo kobcinta dimuquraaddiyadda Somaliland ay shirwaynihii labaad ee xisbiga kulmiye ku tilmaameen Shirwaynihii ugu dimuquraaddi sanaa ee Somaliland ka dhaca,halka dadka qaarkood ugu baaqeen xisbiga kulmiye In tartanka dimuquraaddiyadda la dhammays tiro,isla markaana meesha laga saaro Shirwaynaha Saddexaad tartanka siyaasadda beelaysan loogu tartamayo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee beeliba kursi gaara dhexdeeda ku tartamayso.

Mar kale,waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in shirwaynihii saddexaad ee xisbiga kulmiye uu la kulmay waqti kala qayb sanaan baahsani ka jirtay gudaha Xisbiga,waxaanu xisbiga kulmiye hoos u dhac wayni ku yimid tartankii gudaha ee shirwaynihii labaad xisbiga kulmiye ka dhacay,inkastoo xisbiga Kulmiye uu talada dalka hayay.Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in shirwaynihii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye lagu soo gunaanaday muuqaalo tilmaamaya in lagu gawracay dimuquraaddiyadii xisbiga Kulmiye gudihiisa ka dhici jirtay.Balse aynu dul joogsano shirwaynihii labaad ee Xisbiga Kulmiye iyo tartanka gudaha xisbiga ka dhacay muddo laba iyo toban sannadood ka hor ka qabsoomay hutel ambassador, waxaanay doorashadaasi u dhacay sidan :-

1.Maallintii saddexaad ee shirweynihii labaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa lagu doortay hoggaanka cusub ee Xisbiga Kulmiye hoggaamin doona shanta sanno ee soo socoota,iyadoo jagada guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isku taagay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo keliya waxaana mar kaliya gacanta u taagay 497 ka mid ahaa 503 ergay oo madasha shirka ka soo xaadiray.

2.Gudoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku tartamay Muj Muuse Biixi Cabdi Muj Ibraahim Cabdilaahi Xuseen dhegowayne waxaana kursigaa ku guulaystay Muuse Biixi oo helay 330 ergay codkood,halka Muj Ibraahim dhegowayne oo jagadaas kula tartamay ka helay 182 cod.

3.Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye waxaa ku tartamay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Cali Cabdi Culimo waxaana ku guulaystay uu helay 455 ergay gaadhaysa 455 cod ergay,halka Cali Cabdi Culimo oo jagadaas kula tartamay ka helaly toddoba cod oo kaliya .

4.Guddoomiye ku xigeenka saddexaad waxaa ku guulaystay Cabdiraxmaan maxamed Talyanle oo helay codka ergay gaadhaysa 451 cod,halka Yuusuf Bashiir oo jagadaasi kula tartamay ka helay 20 cod.

5.Guddoomiye ku xigeenka Afraad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ka dib markuu helay coddad gaadhaya 480 cod,halka Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo jagadaasi kula tartamay uu ka helay 34 cod.

6.Xoghayaha guud ee Xisbiga isaga waxa ku tartamayay Lambarkii ugu badnaa tartamayaasha oo ahaa Saddex xubnood,ku waasoo kala ahaa Keyse Xasan Cige, Sahra Maxamuud Xuseen iyo Cumar Maxamed Xasan,waxaa xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye ku guulaystay Kayse Xasan Cige oo helay 277 cod, waxaana aad ugu dhawaaday Sahra Maxamuud Xuseen oo heshay 236 cod,halka Cumar Maxamed Xasan uu helay hal cod oo keliya.

Dhinaca kale,waxa isla shirweynaha madasha si aqlabiyad ah loogu ansixiyay barnaammijka iyo dastoorka Xisbiga Kulmiye,inkastoo wax ka beddel lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada dastuurka sida:-golaha dhexe oo ka koobnaa 133 oo laga dhigay 170 xubnood. Waxaana shirweynuhu awood u siiyay golaha dhexe in uu wax ka beddel ku samayn karo barnaammijka iyo distoorka Xisbiga.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan,geeddiga saaxadda siyaasadda waa mid u socda sida mawjaddaha badda oo kale oo maallinba meel jooga.Alle ha inaga yeelo kuwo horomar sameeya oo dib u socod ahayn.

Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle