Maayirka Gabiley Oo Kulamo La Qaatay Dhigiisa Degmada Islington ee Dalka Ingiriiska.

Hargeisa(GNN):-Maayarka Degmada Islington Ee London Rakia Ismail Oo Casuumad Soo Dhawayn Ah U Samaysay Waftiga Golaha Deegaanka Gabiley Ee Uu Hogaaminaya Maayirka Degmada gabiley Mohamed-amiin Omar Abdi iyo labadda xildhiaan ka tirsan golaha deegaanka,

Kulankan Casuumada ee Lagu Qaabiley Maayirka Degmada gabiley iyo Xubnaha ku Wehelinaya Safarka ayaa ahaa mid sidoo ay ku yagleelayaan xidhiidho aqoon is waydaarsi oo ay iskagaga kaashanayaan bilicda iyo deegaanada ay metelayaan.

Safarkan Maayirka Degmada Gabiley oo maalmihii u danbeeyey uu ku joogo Dalka ingiriiska ayaa ah Safar Shaqo Xidhiidhna la leh horumarinta iyo Kor u qaadista shaqada ay bulshada u hayaan kaas oo ay Kulamo kala duwan la yeelan doonaan Maayirada iyo Goleyaasha deegaanka dalka ingiriiska, Sidoo Waxaa Maayirka iyo Xildhibaanada la Socodaa ay shirar kala duwan La qaaadan doonaan Jaaliyada Somaliland ee Dalka ingiriiska gaar ahaa Kuwa kasoo Jeeda Gobolka gabiley iyagoo kala Xaajoon doona Sidii ay ugala Shaqeyn lahaayeen Sidii ay baahiyaha Deegaanka iyo horumarintiisa ugala qayb qaadan lahaayeen.

Maaha Markii ugu horeysay ee Safar noocan uu kale uu maayirka Degmada gabiley ugu baxo Dalalka Dibeda.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network