Somaliland oo joojisay dal ku galkii ay siin jirtay dadka ka imanaya Itoobiya ee ku socda Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Somaliland ayaa si ku meel gaadh ah u joojisay bixintii dal ku galka la siin jirey dadka ka imanaya Itoobiya ee Somaliland iman jirey.

Sidaas waxa sheegay wakiil ku xigeenka xafiiska Somaliland ku leedahay Addis-ababa Mr: Barkhad Kaariye, waxaanay talaabadani ka dambaysay ka dib markii kiiskii kowaad ee cudurkan Coranna Virus wadanka Itoobiya, taas oo laga cabsi qabo inuu dalalka jaarka uga gudbo.

“Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa”.ayuu yidhi  Barkhad Kaariye.

Dalka Itoobiya ayaa maanta la sheegay in qofkii ugu horeeyey qaba cudurkan Corona Virus laga helay waddankeeda, halka sidoo kale laga helay dalka Kenya.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network