Tallaabooyinka ka hortagga cudurka Corona oo saameeyay Islii

Dalkan Kenya ayaa waxaa maanta ka dhaqangelay amarro adag oo ay dowladda wax uga qabaneyso faafidda fayraska Corona, kaasoo ilaa hadda ku dhacay 15 qof.

Goobaha cibaadada ayaa la xiray, waxaana sidoo kale la yareeyay tirada dadka raaca gaadiidka dadweynaha.

Goobaha kale ee uu saameeyay amarka ayaa waxaa kamid ah maqaayadaha ku yaalla xaafadda Islii.

Ganacsatada ayaa sheegaysa in arrintaan ay saameyn ku yeelanayso ganacsigooda in kasta oo tallaabooyinkan ay dowladdu uga golleedahay ka hortagga cudurka Corona.

Maqaayadaha ku yaalla xaafadda islii waxaa ay ka mid yiihiin meelaha dadka ugu badan ay isugu yimaadaan isla markaana ay fadhiyaan waqti badan.

Dowladda waxay yareysay dadkii raaca gawaarida dadweynaha