Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Jsl Oo Soosaaray Laba Waraaqood oo Isburinaya, Kuna Saabsan Tubaako Muran Ka Taagnaa.

Hargeisa(GNN):-Agaasimaha Guud Ee Wassaarada Ganacsiga Iyo Warshadaha Somaliland Cabdiraxmaan maxamed Abdeeq ayaa mudo bil gudaheed ah kusoo saaray laba qoraal oo uu marka hore ku mamnuucayo tobaako ay shirkada bat kasoo dejisay Garoonka diyaaraha ee caasimada hargaysa.

13kii bishan, Agaasimaha guud Ee wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska ayaa soo saaray warqad uu ku mamnuucayo in tubaakadan Sida Warqada idiin muuqataa dalka soo gasho isagoo caddeeyey halista ay leedahay iyo in waddamo badani iska diideen.

18kii bishan oo shalay ahayd ayuu agaasimuhu soo saaray warqad kale oo uu ku fasaxayo in tubaakadani waddanka soo galayso.

Qoraalka kasoo baxay agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga ayaa noqday mid dhaawac ku ah qarannimada iyo aqoonta masuuliyadeed ee masuuliyiinta xukuumada taasi oo banaanka keentay Go’aan Qaadashada Qaldan ee Agaasime Abdeeq iyo Qoraalada degdega ah ee isku lidiga ah.

HALKAN KAGA BOGO LABA QORAAL EE UU GAASIMAHA GUUD EE WASAARADA GANACSIGU SOO SAARAY IYO NUXURKA AY KALA XANBAARSAN YIHIIN;

HALKAN KA AKHRI ISLA QORAALKA LABAAD

Exit mobile version