“Cigaal, Wuxuu Masar Iyo Itoobiya Ku yidhi, Haddaanu Somaliland Nahay Noqon Mayno Golofiska Gacmaha La Gashado”.

Hargeisa(GNN):-“Cigaal, Wuxuu Masar Iyo Itoobiya Ku yidhi, Haddaanu Somaliland Nahay Noqon Mayno Golofiska Gacmaha La Gashado”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hadlay Deynta laga Cafiyey Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo go’aan Xukuumadda iyo Xisbiyada Somaliland ku sheegeen in Baanka Adduunka uu si gaar ah ula Macaamilo Somaliland.

Md. Yaasiin wuxuu sheegay in Deynta laga cafiyey Soomaaliya ay si kale uga faa’idaysanayso Dawladda Xilligan ka talisa Soomaaliya, isla-markaana haddii laga cafiyey deymihii hore ay lacago kale oo Deyn ah ay Baananka Adduunka kaga qaadanayaan Magaca Soomaaliya, sidaasi darteed ay Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabtu ku saxan yihiin inay ka hadlaan arrintaasi.

“Deyntaa la cafiyey waxa lagu qaadanayaa Deyn kale, Magacii Dawladda Soomaaliyana waxa haysata Soomaaliya, markaa Deyn ayaa Bananka lagaga qaadayaa, miyaad filaysaa inay wax ka soo gaadhaan? Fili maysid, markaa waan qabaa inay ka hadlaan (Madaxweynaha iyo Madaxda Axsaabtu) oo yidhaahdaan annaga nama khusayso.”

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Telefishanka Sahan waxa kale oo uu ka hadlay Khilaafka xilligan dhex yaalla Dawladaha Itoobiya iyo Masar ee khuseeya Biyaha Webiga Niilka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan sheegtay inay khilaafkaa dhexdhexaad ka tahay.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ugu horrayn sharraxaya halkii Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal ka taagnaa Arrimaha u dhexeeya Masar iyo Itoobiya wuxuu yidhi “Waxaan ku xasuusinayaa hadal uu ku yidhi Masar iyo Itoobiya, Allaah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kaasi oo ahaa haddaanu nahay Somaliland noqon mayno Golofiska ay xidhaan labada Qof ee feedhtamaya, laakiin Arrimihiina waanu galaynaa ayuu yidhi oo waanu isku kiin soo dhawaynaynaa.”

Axmed Yuusuf waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko Go’aanka dhexdhexaadnimo ee Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Masar iyo Itoobiya, ka dib markii ay ka noqotay Taageero ay u muujisay Qaraar Jaamacadda Carabtu ku cambaaraysay Itoobiya “Soomaaliya inay Itoobiya dhankeeda u janjeedhsanto way ku khasban tahay, Ciidan xoogle oo Itoobiyaan ah ayaa fadhiya Soomaaliya oo Al-shabaab la dagaalamaya, markaa (Soomaaliya) way u codaysay (Masar), laakiin markii dambe way ka noqdeen oo Duruufahaa qasbay, markaa inay Soomaaliya dhexdhexaad ka noqoto way khasban tahay.” Ayuu yidhi.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore wuxuu soo jeediyey in Somaliland-na qaadato Go’aan dhexdhexaadnimo “Arrinka Masar iyo Itoobiya Arrin hawl-yar maaha, markaa Xitaa Somaliland inay arrinkaa dhexdhexaad ka noqoto waa mid ku waajib ah, marka la eegayo Duruufaha Juquraafi ahaan iyo sida loo deggan yahay, marka la eegayo waxa inagaga xidhan Masar iyo Itoobiya oo kala jaad ah, Masar waa Dawladaha inoogu fog inaynu ictiraaf hello.”ayuu yidhi, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Telefiishanka Sahan.