Fadeexad Ka dhalatay Warqad Kasoo Baxday Wasaarada Wasiir Maareeye Oo Sababtay Iscasilaada Tifaftirihii Tvga Somalia.

Muqdisho(GNN):-Tifaftirahii Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, Feysal Muuse ayaa maanta shaaciyay inuu is casilay, kadib 3 sano oo uu howshan hayay.

Feysal Muuse ayaa sheegay in ujeedada is-casilaaddiisa asalkeedu ay tahay in aanu habayaraatee wax shaqo ah ku lahayn dooddii maalmahan la hadal hayey ee ku aaddaneyd warqad ogeysiis shaqaale gabdho wariyeyaal ah lagu dalbanayey oo fadeexad dhalisay.

“Waxaa mas’uuliyadda warqaddaas Iska leh mar walba agaasimaha Telefishinka Qaranka oo ay xafiiskiisa ka soo baxday sida cad summadda warqaddaas, anigana waxaan sas weyn ka qabay luuqadda warqaddaas lagu qoray. SNTV iyo warbaahinta Qaranka guul ayaan u rajeynayaa bulshadeyduna waan ugu sii adeegi doonaa,” ayuu yiri Faysal.

Saacado kadib is-casilaadiisa ayaa warqad kasoo baxday wasaaradda warfaafinta lagu sheegay in xilka laga qaaday Faysal, iyada oo wasaaraddu ay baahisay qoraal shaki abuuray oo lagu sheegay inuu tifaftiruhu ku qirtay inuu ka dambeeyay baahinta xayeesiin shaqo oo caro dhaliyay, taasi oo Faysal uu beeniyey.

Feysal oo is casilaaddiisa ku shaaciyay bartiisa Facebook, ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa baahinta iyo qoraalka anshaxa baalmarsanaa ee wasaaraddu ku codsatay suxufiyiin habla ah, isaga oo mas’uuliyadda gefkana dusha agaasimaha TV-ga.

Marka la eego doodda Faysal, waxaa muuqata inuu saxan yahay sababtoo ah laba arrinba waxay caddeynayaan inuusan shaqo ku lahayn fadeexaddan:

1 – Warqaddii koowaad ee fadeexadda dhalisay ee la isku dayey in dusha loo saaro Faysal, ikuma saxiixneyn magaciisana kuma qorneyn. (eeg)


2 – Warqaddii labaad ee kasoo baxday SNTV ee qaladkii hore lagu saxayey waxaa lagu caddeeyey in warqadda uu faafiyey qof xoghayn ah (eeg halka aan ku calaameynay caaladda casaanka).

Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in qoraalka cadhada abuuray ee loogu gafay gabadhaha Soomaaliyeed uu ka yimid wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isla markaana uu baahiyay agaasimaha Telefishinka.

Si kastaba, cadaadis kaga yimid xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirka lagu qasbay in uu mas’uuliyadda qaato ama uu tallaabo ka qaado ciddii ka dambeysay.

Ugu yaraan laba mas’uul oo ka tirsan wasaaradda oo codsaday in aan magacooda la baahinin ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in warqadda qirashada tifaftiraha ee ay wasaaraddu baahisay la been abuuray oo uusan saxiixin tifaftiraha, ujeedkuna uu ahaa in qaladka dusha loo saaro, balse uu diiday.

 

Wararka Magaalada Muqdisho

Muqdisho Somalia.

Gabiley News Network

Exit mobile version