Maayirka Gabiley Oo Soo Bandhigay Qorshe Ay Golaha Deegaanka Degmadu Ku Quudinayaan Dadkii Danyarta ahaa ee Nunsasaacaha Ku Hor Iibin Jiray Dugsiyada Magaalada.

Hargeisa(GNN):-Maayirka magaalada Gabiley Mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ayaa Markii ugu horeysay Soo bandhigay Qorshe ay ka gole deegaan ahaan doonayaan inay ku caawiyaan dadka danyarta ah ee magaalada ku nool wakhtiga fasaxa lagu jiro xanuunka Corona Virus.

Waxaa uu Sheegay Maayirku In Golaha Deegaanka Gabiley Ay Qorshaha ku darsadeen in Sida ugu Dakhsaha badan maalmaha soocoda  ay Golaha Deegaanka gabiley Raashin u gaadhsiin doonaan Hooyooyinkii danyarta ahaaa ee Quutal daruuriga kala soo bixijiray Nusasaacaha ay ku hor iibiyaan Dugsiyada Magaalada gabiley.

Waxaana Maayirka Magaalada Gabiley uu balan Qaaday in Maalmaha Soosocoda Ay Raashin u Qaybin Doonaan 170 Qoys oo Kamid ah danyarta Magaalda Gabiley kuwaas oo ah Hooyooyinkii nolol Maalmeedka kala soo bixin jiray dugsiyada hortooda oo ay ku iibiyaan waxyaabaha yaryar ee ay caruurtu ku nusasaacayso taas oo ahayd isha kaliyaata ee ay kala soo baxaan masaariifta ay ku noolaadaan,

Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku Qabtay Xarunta Golaha deegaanka Gabiley Maayirka Magaalada Gabiley Mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo Kagaga waramay safar uu ku tagay dalka ingiriiska iyo warar beena oo sheegayey inuu xanuunka corona virus ku dhacay, waxaanu maayirku si waafiya uga hadlay inuu caafimaad qabo, islamarkaana uu markii uu kasoo laabtay safarkiisa ku qaatay gurigiisa muddo 14 cisho ah isagoo oofinaya amarkii gudida ka hortaga xanuunka corona virus ee sheegayey in dadka kasoo noqonaya dalalka dibedu si loo ogaado in xanuunku hayo oo aanu soo shaac bixin iyo in kale.

Arrinta Shacabka Degmada gabiley si aada u farxadgalisay ayaa ah caawinta iyo taakuleynta dadka danyarta ee ay istaagtay shaqo maalmeelkii ay nololsha kala soo bixin jireen.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraaid ee Maayirka Gabiley

Talaabada Ay Ku Quudinayaan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo uu Hormood u yahay maayirka Golaha Deegaanka Degmada gabiley Maxamed Amiin Cumar Ayaa  Noqonaysa Mid Ku Dayasho mudan, taas oo loo baahan yahay in Dhigooda Golahayaasha deegaanka ee dalku ay ka yeeshaan qorshe ay iyaguna ku Quudinayaan Danyarta iyo dadkaa uu Saameynta ku yeeshay Xanuunka Dunida Khatarta galiyey ee Corona Virus oo aan hays ilahay mooyaane awood kale oo ay ku noolaan karaan caruurta iyo waayeelka jilicdasan ee ku nool magaalo kasta iyo degmo kasta.

Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Ayaa Noqonaya golihii u horeeyey ka yeeshay ka hortaga Xanuunka Corona Virus, qorsheyaal waxtar leh iyagoo sidoo kale golaha deegaanka degmada gabiley noqday golihii ugu horeeyey ee Bulshada La wadaagay fariimo xambaarsan wacyigalin balaadhan oo loogaga foojignaanayo xanuunka corona virus.

Halkan Ka Daawo Fariinta Wacyigalinta Xanuunka Corona Virus.

https://youtu.be/SfCZPrOjQpQ

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com