Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya oo Sheegay Inuu Kala hadlay Madaxweyne Biixi Siidaynta Wariye Coldoon iyo Arrimo Kale.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Ayaa Qoraal uu Soo Dhigay boga uu Ku Leeyahay Facebook Waxaa uu Sheegay Inay Xidhiidh khadka Telefoonka ku Wada yeesheen Waxaa uu Sheegay In Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu kala Hadlay Madaxweyne Mustafe Cumar, Sidii ay iskaga Kaashan lahaayeen Ka Wada Shaqeynta Xanuunka corona virus, iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal Itoobiya iyo Somaliland.

Sidoo kale Waxaa uu Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar uu Sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu kala hadlay Arrinta Wariye Samafale Suxufi C.maalik Muuse Coldoon,arrintaas oo uu sheegay in Madaxweyne biixi uu tixgalinayo Codsiga Xukuumada Dawlad Deegaanka Somaalida itoobiya oo uu hogaan u Yahay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Halkan Hoose Ka Akhriso Qoraalka uu Madaxweyne Mustafe Omar Soo Dhigay.

 

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Hargeisa Office