Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Oo Mudane Xuseen U Magacaabay Inuu Noqdo Xoghayaha Guud ee Fulinta Gudida Ka Hortaga Covid 19

Hargeisa(GNN):- Aqoonyahan Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) Oo kamid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland horena xilal kala duwan oo ahaa Wasiirkii wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland iyo Afhayeenkii Xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Laba Jeer Loo magacaabay, Ayaa Hadda waxaa uu Madaxweyne ku Xigeenka jsl oo ah Gudoomiyaha Gudida Ka hortaga Xanuunka Corona Virus uu u Magacaabay Xoghayaha Gudida Ka hortaga xanuunka covid 19.

Eng Xuseen Aadan Cige Deyr oo ah Aqoonyahan da’yar islamarkaana aqoon fiican uleh diyaarinta warbixinaha caalamiga (International Reports) ee lagu qoro luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo kuwo kale ayaa gudida uu madaxweyne ku xigeenka somaliland gudoomiyaha u yahay ka caawin doona in ay si dhow ula xidhiidhaan Hay’adaha Caalamiga ah iyo Wadamada aynu xidhiidhka siyaasadeen leenahay si loogu gudbiyo haddiiba ay xaaladi kasoo korodho xanuunkan khatarta baahsan galiyey dunida.

Warqada uu Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ku Magacaabay Eng Xuseen Deyr Ayaa u Dhignayd Sidan.

Hargeisa Somaliland 

Gabiley News Network