Berbera(GNN):-Dhawaan Ayay Ahayd Markii Kastamka Cashuuraha Magaalada Berbera lagu soo cashuuray koontiinar alaabo ah kaasi oo lagu sheegay in uu yahay sonkor balse Markii kooxo wasaarada maaliyada katirsan oo mudo daba socday xogta Alaabooyinka qaar lagu soo cashuuro kastamka magaalada berbera oo shaki ay ka qabeen Ayaa dabagal iyo hubin kadib deegaanka abdaal ee ilsa gobolka saaxil ku qabtay gaadhi waaraad ah oo siday koontinarka lagu soo cashuuray kastamka berbera kaasi oo ay dib ugu celiyeen isla kastamkii berbera si loo hubiya xaqiiqada waxa saaran.
kaasi Oo Noqday wax aan ahay wixii lagu soo cashuuray oo Ahaa sonkor balse ay ka buuxaan moobilo kuwaasi oo ku jiray
Kontinarka moobilada gacanta oo kala duwan oo tiradoodu gaadhayso 117400 oo xabo halka hore loogu cashuuray sonkor ahaan, qiimaha laga qaadayna uu ahaa 800,0000 milyan oo somaliland shilling.
Halka qiimaha cashuurta koontinarka mobilada ah uu noqonayo hal bilyan iyo badh somaliland shilling oo marka loo eego qiimaha sonkor ahaanta loogu cashuuray aan isu dhaweyn.
HALKANKA EEG XADIGA CASHUURTA UDHAXAYSA LABADA SHAY IYO CADADKA DHAQAALAHA LA LUNSADAY.
Dhacdadan oo noqotay mid amakaag iyo yaab ku noqotay Shaqaalaha wasaarada maaliyada iyo shacabka Somaliland ayaa Wararka laga helayo qaabka ay usoo martay kastamka cashuuraha berbera ayaa Xaqiijiyey in aan koontiinarkan la furin islamarkaana dhamaan masuuliyiinta leh hubintoodu ay ahaayeen koox isku xidhan ogsoona waxa saaran iyo cida leh.
Iyadoo xogaha qaar tibaaxeen in qorshaha koontinarkan mobilada lagu marin jiray kastamka berbera aanay ahay markii ugu horaysay balse horeba dhowr jeer u maray alaabtani, taasi oo ay suurto galiyeen shabakado isku xidhan oo ka hawlgala kastamka magaalada berbera oo xidhiidh toos ah la leh Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada Jsl Ilaa maamulaha kastamka,Kuxigeenkiisa iyo Madaxda Turba Taariyada Ee Ciidanka Ilaalada cashuuraha.
Dhanka kale xogaha laga helayo dhacdadan musuq maasuq ee ka dhacday kastamka cashuuraha berbera ayaa intaa ku daray
In qorshaha isku xidhan ee lagu lunsanayay cashuurta maaliyiinka ah ay fuliyaan Maamulka Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro & Maamule ku xigeenka Maxamed Axmed saalax,(inagoorsalayne) madaxda ciidanka ilaalada cashuuraha iyo Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Maxamed Axmed (Gurxan) oo la sheegay in uu yahay maskaxda silsiladan musuq maasuq ee kastamka berbera isagoo hore isagu usoo noqday maamulaha kastamka magaalada berbera isla markaana xogo badan ka haya qaabka uu u shaqeeyo iyo siyaabaha ugu fudud ee wax loo marsan karo.
Xogaha dheeradka ah ee laga helayo dhacdadan kastamka berbera iyo Alaabada lagu qabtay ayaa intaa ku daraya in dhamaan masuuliyiinta leh shaqada hubinta kastamka iyo jeekinka guudba oo kala ah maamule kuxigeenka iyo madaxa ciidanka ilaaladu iyo agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada iyo ganacsadaha leh alaabooyinka sida khaldan kusoo maray kastamku oo lagu Magacabaabo Ganacsade Xuseen oo ay isku hayb yihiin Dhammaanba Masuuliyiinta Ka qayb qaatay arrintan, islamarkaana waxyaabaha fudaydiyay in ay koontinarka mobilada ahi sonkor ahaan ku maro ay tahay taasi.
Dhanka kale dhacdadan musuq maasuq ee kastamka magalaada berbera ayaa la sheegay Inaanu Waxba Kala Socon Wasiirka wasaarada Maaaliyada Jsl, balse Ay Jiraan Saraakiil Ka tirsan Shaqaalada Wasaarada Maaliyada oo iyagu Si toosa ula Socoday Qorshayaasha Lagu Soo dhaafiyo Alaabtan aan Cashuurtii Ku Waajibtay Laga Qaadin Iyadoo lagu Sheego, Sida Raashinka iyo Maciishada kala duwan.
Ma Jirto ilaa Hadda Waxtalaabo ah oo Xukuumada Somaliland iyo wasaarada maaliyada oo ay hoostaagan ka qaaday Masuuliyiinta ku kacay Musuqmaasuqan Noociisu ku cusub yahay nidaamka Shaqo ee wasaarada Maaliyada Jsl.
Source-https://hadhwadaagnews.com/
Gabiley News Network