Safaarada Maraykanka ee Fadhigeedu Yahay Muqdisho Ayaa Difaacday Wariye Haaruuc Macruuf oo Ay Eedo u Jeedisay hay’ada Siroodnka Somalia ee NISA.

Muqdisho(GNN):-Safaarada Dalka Maraykanka u Fadhida Magaalada Muqdisho ayaa Warsaxaafadeed ay soosaartay waxa ay si adag ugu difaacday Wariye Haaruun Macruuf oo ka hawlgala Idaacada VOA ee dawlada maraykanka, Warsaxaafadeedka ayaa lagu yidhi, Waa Cabudhin iyo Cadaadis ay hay’ada Siroodnka Somalia kula kacayso Warbaahinta madaxa Banaan, iyadoo ku tilmaantay in Wariye Haaruun Macruuf uu yahay Saxafi Khibarad u leh Mihnada Warbaahinta, arrinta ay Ku Kacday  hay’ada NISA ay tahay Ku Ka hor imanaysa Xoriyatul qawlka Warbaahinta.

Dhinaca Kale Waxaa Barta Twitterka ee Ay Hay’ada Siroodnka NISA leedahay oo lagu baahiyey xogta qoraalka lagu eedaynayey Wariye haaruun oo lagu Sheegay Inuu Khatar ku yahay Amniga Somalia, laga Saaray Kadib markii ay Falcelin balaadhan kala kulantay Bulshada iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.