Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Qaranka Oo Beeniyay In Xil Looga Dhiibay Saldhiga Ciidan Ee Uu Turkigu Ku Leeyahay Muqdisho

Taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL General Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya in xil looga dhiibay saldhiga weyn ee ay dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho.

Wararkan oo lagu faafiyay shabakadaha wararka, ayaa wuxuu General Bootaan ku tilmaamay kuwo la been abuuray. Taliyihii hore oo isagoo dalka dibadiisa ku sugan shalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi “Anigoo ah Jeneral Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada ee Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah. Waxaan beeninayaa wararkaas.”

Taliyihii hore ee Sirdoonka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waar waxaan idin leeyahay Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, dhalasho Turki ahna maan qaadan. Markaas waxaan halkan ku cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararkaas balse ay yihiin kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa

Maanta maaha maalin shaqo la doonto ee waa maalin uu qof waliba sidiisa mashquul ugu yahay sidii uu uga feejignaan lahaa xanuunka COVID_19.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Markaas waxaan mar kale umadda u cadaynayaa inaanay wararkaas waxba ka jirin, balse ay yihiin kuwo la been abuuray oo ujeedo gaar ah laga leeyahay.”

Madaxweyne Biixi ayaa bishii march ee kal hore xilka ka qaaday taliye Jaamac Maxamed Bootaan.