Adeeg La’aanta Caafimaad Ee Bulshada Haysata Oo Cudurka Corona Ifka U Soo Saaray Iyo Qaylo Dhaanta Ka Soo Yeedhaysa Gobollada.

Hargeisa(GNN):-Alla ha u naxariistee waxa Magaalada Burco ku geeriyootay Marwo Dahabo Maxamed Cigaal oo ahayd Haweenaydii sida weyn xaaladdeeda saacadihii la soo dhaafay loogu baahiyay Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee ay eheladeedu ka cabanayeen in loo waayay gaadiid ambalaas ah oo lagu keeno Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale adeegga Oksajiinta ee dadka ka caawiya inuu neefta siiyo taasi oo ugu dambayn adeeg xumo caafimaad ugu geeriyootay Magaalada Burco.

Somaliland oo soo saartay Amaro horleh oo ay uga hortageyso COVID ...

 

 

Marxuumad Dahabo Maxamed Cigaal oo ay eheladeedu sheegeen in ay ahayd haweenay ay Ilmaadeer ahaayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa sida uu sheegay Ustaad Cabdixakiim Muuse oo hore xaaladdeeda qoraal uu ka sameeyey ugu baahiyey baraha Bulshada ayaa waxa qoraal uu shalay galab ku shaaciyey geerideeda waxa uu ku yidhi sidan: “Ugu danbayn DAHABO MAXAMED CIGAAL waxay ku geeriyootay Dhakhtarka weyn ee Burco. Waa qofkii aan xalay aan u waayay Ambalaas aan ku qaado. Ilaa Hargeysa. Waxay ka dhalatay qoys caan ah  oo dalka taariikh weyn ku leh. Madaxweynihii Hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayay ilmaadeer ahaayeen. Ilaahay waxaynu uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Ustaad Cabdixakiim Muuse ayaa hore u shaaciyay in uu haweenaydan Marxuumadda ee shalay geeriyootay waxa uu ka sheekeeyey xaalad dhiillo leh oo uu kala kulmay Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco kadib markii uu waayay oksajiin lagu baxnaaniyo haweenaydan isaga oo sheegay in uu waayay markii hore Ambalaas uu ku soo qaado markii dambena xataa ambalaaskii dhawaan shirkadda dahabshiil siisay cisbitaalkaasi la sheegay in aan lagu qaadi Karin oo aanu lahayn adeeggii oksajiinta ahaa ee qofkaasi bukaanka ahaa lagu baxnaanin lahaa muddoda uu jidka ku soo jiro taasi oo ugu dambayn shalay ku geeriyootay Cisbitaalka weyn ee Burco.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa muddoba waxa ay si weyn ufga cabanayaan xaaladda oksajiin la’aanta ah ee ay dadka bukaanka ahi kala kulmaan Cisbitaallada Hargeysa iyo Burco oo ay marar badan dad kala duwani sheegeen in eheladooda oo xanuuno la liidatay ugu dhinteen Cisbitaalladaasi markii ay waayeen Oksajiin lagu rikibo oo neefta ka caawiya.

Xaaladda cudurka Karoona ayaa u muuqda mid si weyn u soo shaac saaray oo bannaanka keenay baylahda caafimaad iyo adeeg la’aanta umadda ee marka horeba jirtay taasi oo keentay in dhinaca kale qaylo dhaan culusi ka soo yeedhayso Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo ay dadku ka cabanayaan Oksajiin la’aan iyo adeeg la’aan ay xukuumadda ku dhaliilayaan sida aanay waxba uga qaban ama fashilka ugu tahay adeeggii caafimaad ee umaddu u baahnayd.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network