Dibadbaxayaal hubaysan oo ka soo horjeeday xayiraadaha coronavirus ee maamulka gobolka Michigan ayaa waxa ay isugu soo baxeen madaxtooyada gobolka.
Boqollaal dibadbaxayaal ah oo qaar ka mid ah ay hubaysan yihiin, ayaa waxa ay isugu soo baxeen madaxtooyada qaar badan oo ka mid ahna maysan xirnayn walxahan afka lagu duubto amaba maysan kala fogaanayn.
Booliska ayaa waxa ay baareen heerkulka jirka dibadbaxayaasha ka hor inta qaar ka mid ah aanan loo ogolaan inay gudaha galaan, halkaas oo xildhibaannadu ay dood uga socotay.
Barasaab Gretchen Whitmer, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa waxa ay sii dheeraysay amarkii ahaa in dadku ay guryaha joogaan kaas oo sii socon doona ilaa 15-ka May.
Gobolka Michigan ayaa waxaa si xun ugu dhuftay cudurka coronavirus, waxaana ku dhintay 3,788 qof.
In ka badan 41,000 oo qof ayaa la diiwaangeliyay in cudurkaasi uu ku dhacay.
Dibadbaxa Khamiista, oo loogu yeeray “Isu soo baxa waddiga Ameerikaanka ah”, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururka xorriyadda ee Michigan United. Waxa ay kooxdu ku baaqeen in dib loo furo ganacsiyada maanta oo ay 1 tahay bisha May taas oo ka hor imaanaysa amarka ka soo baxay maamulka gobolka.
Sharciga ayaa ogol in qofka uu hub la soo gali karo madaxtooyada gobolkaasi, iyadoo dhowr ka mid ah dadka dibadbaxayay ay si cad hubkooda ugu wateen meesha ay dadka martida ah fariistaan ee ay kala socdaan kalfadhiyada.
Hasayeeshee qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay galaan baarlamaanka waxaase ka hor istaagay booliska gobolka.
Hal senator oo ka tirsan senatarrada gobolka ayaa sheegtay in saaxiibadeed ay xirnaayeen jaakadaha rasaasta la isaga celiyo.
Muuqaalka dibadbaxayaasha ee bannanaka dhismaha ayaa muujinaya iyagoo ku qaylinaya “Inoo ogolaada inaan gudaha galno”, “Inoo ogolaada inaan shaqeyno” iyo “Halkan waa guriga dadweynaha, oo bannaanka naguma celin kartaan.”
“Fayraska wuu nala joogaa,” dibadbaxe ayaa yiri, Joni George, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press. “Halkan buu noogu iman doonaa… Waxaa la joogaa waqtigii dadka loo ogolaan lahaa inay shaqooyinka ku laabtaan.”
Isu soo baxa ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa midkii ugu waynaa ee noociisa ah tan iyo 15-kii Abriil markaas oo dibadbaxayaasha Michigan ay gawaaridooda waddooyinka ku xireen si ay saxmad uga dhigaan agagaarka aqalka madaxtooyada.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligaas waxa uu taageero u muujiyay dibadbaxayaasha, isagoo bartiisa Twitterka soo dhigay “XOREEYA MICHIGAN”. Dadka dhaleeceeya Trump ayaa sheegay in farriimihiisa Twitterka ay aheyd mid uu ku boorinaayo kacdoon.
Khamiistii, baarlamaanka uu maamulo Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa ay gashaanka u daruureen codsiga barasaab Whitmer ee ahaa in la sii dheereeyo xaaladda degdega ah.
Waxa ay ogolaadeen in maxkamad loo geeyo oo magdhaw la waydiisto ku aaddan sida ay u xakamaysay cudurkan safmarka ah. Waa ay isdifaacday oo waxa ay sheegtay in aanay xildhibaannada u baahnayn si ay u meelmariso dheeraynta waqtiga xayiraadda.
Arbacadii ayaa barasaabka waxa ay Jamhuuriyiinta ku eedaysay in fayraska ay u isticmaalayaan sida “dhibaato siyaasadeed”, halkii ay u arki lahaayeen inuu yahay “dhibaato ah caafimaadka bulshada”.
Gobollo badan oo Mareykan ah – oo ay ku jiraan Georgia, Oklahoma iyo South Carolina – ayaa waxa ay qaadeen tallaabooyin lagu khafiifinaayo xaddidaaha fayraska ku yimid.
Arbacadii maxkamadda Michigan ayaa waxa ay xukuntay in amarka barasaabka ee xayiraadda ay sharciga waafaqsan tahay, kaddib markii ay dacwad ka dhan ah barasaabka ay maxkamadda geeyeen dad deggan ilaa shan degmo oo gobolkaasi ah.
“Walow ay maxkamaddu ka warhayso dhibaatooyin nololeed ee ay xayiraadaha amarka madaxda sababeen, ayaa haddana dhibaatooyinkaas waxa ay yihiin kuwo ku meelgaar ah, halka dadka qaada fayraskan aanay soo kabsankarayn (iyo xubnaha qoysaskooda iyo saaxiibadood), taas oo ah xaalad weligeed jiraysa,” waxaa sidaas xukmiyay Christopher M Murray, xaakimka maxkamadda dhagaysata eedaha ka dhanka ah xukuumadda Mareykanka ee gobolka Michigan.