Sarkaal Boolis Ah Iyo Qof kale Oo Ku Geeriyooday Qarax Muqdisho Ka Dhacay.

Muqdisho(GNN):-Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxan oo ka dhashay Gaadhi walxaha Qarxa lagu soo xidhay ayaa ka dhacay degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ka dambaysa Guriga Hooyooyinka.

Qaraxan ayaa ku Geeriyooday Sarkaal ka mid ahaa Ciidammada Booliska Soomaaliya iyo Qof kale oo gaadhiga la saarnaa.

illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxan, laakiin waxa cambaareeyay Maamulka Gobolka Banaadir.