Shirkada Dahabshiil Oo Qalab Qiimihiisu Ka Badan Yahay Haaf Milyan Dollar Ku Wareejisay Guddida Covid 19 Ee Somaliland + [ Sawiro

Guddida heer qaran ee Covid19 ayaa maanta Shirkada Dahabshiil Group kala wareegtay Qalab qiime ahaan ah $600.000 (Lix Boqol oo kun oo Doollar)

Qalabkaasi oo isgu jira Mishiinada Shaybaadhka Xanuunka Covidh19, Mashiinada Naqaska dadka kasoo saara (Oxygen ) iyo Saddex Gaadhi oo Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah ee loo yaqaan (Ambulance) $200.000 (Laba Boqol oo kun oo Doollar) loogu talo galay in la siiyo 4000 oo qoys oo reer Somaliland,

waxaanay shirkadu ballan qaaday inaanay noqon doonin tii u danbaysay.Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa Shirkada Dahabshiil Group uga mahad celiyey Qaadhaanka wax ku oolka ah ee ay soo gaadhsiiyeen Guddida heer qaran.

Exit mobile version