Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka hor yimid heshiiska Axmad Madoobe iyo xubnaha Isbadal doonka

Muqdisho(GNN):-Ergeyga Midowga Afrika ugu qaybsan Somalia isla markaana hoggaamiya Howlgalka AMISOM, Francisco Madeira, ayaa heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaarey 2 nin oo ka tirsanaa raggii khilaafsanaa la gaaray ku tilmaamay “heshiis u dhexeeya hal qabiil.”

Madeira oo khudbad ka jeedinayey kulankii uu Golaha Amaanku Somalia ka yeeshay ayaa sheegay in “ay beeli gudeheeda ka gaartey heshiis ay isku aqoonsadeen”, sida uu sheegay.

Md Madeira ayaa tixraacayey heshiis ay 23-kii bishii tagtay ee Abriil Nairobi ku dhexmaray Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood kasoo jeeda hal beel oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan gobollada iminka loo bixiyey Jubbaland, oo aanu weli ka jirin nidaam si toos ah uga wada taliya.

Madeira oo dabcan ku hadlaya codka Midowga Afrika oo ah urur muhim ah marka la eego arrimaha Somalia, maadaama ay isaga hoos tagaan ciidamada AMISOM, ayaa wuxuu ku baaqay in heshiiska la gaarsiiyo beelaha si horay loogu socdo oo xal siyaasadeed oo waara loo gaaro, taasoo ah soo jeedin ku wajahan Axmed Madoobe.

Madeira ayaa se mid “dhiirrigelinaysa ku tilmaamay in la wada hadlayo oo diyaar loo yahay in la wada shaqeeyo” si xal looga gaaro umuuraha la isku diiddan yahay.

Ma jiro ilaa hadda cid aqoonsatahay maamulka Jubbaland oo uu markii 3-aad xilka Madaxwayne hayo Axmed Madoobe, marka laga reebo Dowladda Kenya.