Dibed-baxayaal Jidka Ka Xidhay Trump Oo Gaas Lagu Kala Eryey.

Washinton(GNN):-Ciidammada Booliska ee dalka Maraykanka ayaa Dibed-baxayaal ku sugnaa Aqalka Cad ee dalkaa looga arrimiyo Agagaarkiisa u adeegsaday Sunta Dadka kaga ilmaysiisa.

Ciidammada Sunta adeegsaday si ay Jid ugu furan Madaxweyne Doland Trump oo doonayey inuu aqalka Cad ka baxo, si uu u tago Kiniisad.

Donald Trump, ayaa ku hanjabay inuu ciidamo geyn doono jidadka si uu uga saaro dadka halkaas dibadbaxyada ka wada.

Live George Floyd Updates and Video: Protests and Autopsy Results ...

Daqiiqado ka dib ayuu Trump ka soo baxay Aqalka Cad isaga oo gacanta ku wato buuga diinta masiixiga una sii jeeda kaniisad halkaas ku taalla

Booliska ayaa dibadbaxayaasha ku riday sunta indhaha ka ilmaysiiso, iyada oo uu Aqalka Cad baahiyay muuqaalkan.