Gudomiye Ku Xigenka Wajaale Ayaa Tacsi Tiiraanyoleh U Diray Marxuum Jiif Aaqil Aw Yuusuf Magan Faarax

Inaalilaahi Wa Inaa Ilaayhi Raajacuun

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley Mursal Nuux Cismaan Isagoo Ku Hadlaya Afkiisa,Ka Maamulka Magaalada Wajaale Iyo Afka Shacbiga Reer Wajaale Waxa Uu Tacsi Tiiraanyoleh U Dirayaa Qoyskii,Qaraabadii,Ehelkii,Asxaabtii,Shacbiga Reer Gabiley,Iyo Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Jiif Aaqil Aw Yuusuf Magan Faarax Oo Caawa Ku geeriyooday Magaalada Gabiley.Kana Mid Ahaa Jiifkii Aaqilkii Ugu Horeeyay Ee Hawlaha Dhaqanka U Qabto Beel ka Mida Beelaha Dega Gobolka Gabiley.

Alle Hawnaxariiste Jiif Aaqil Aw Yuusuf Magan Faarax Waxa Uu Ka Mid Ahaa Tiirarkii Dhidibada U taagay Jiritaanka Iyo Madaxbanaanida Shacbiga Reer Somaliland Ay maanta Ku Naaloonayaan,Wuxu Kaalin Mug iyo Miisaanleh Ka Qaatay  Halganadii Qadhaadhaa Ee Dhiiga Badani Ku Daatay Isagoo Ka Mid Ahaa Shakhsiyaadkii  Kaga Qeybgalay In Dalka Laga Suuliyo Gumeystihii Mecengega Ahaa Ee Kaligii TaIiye Siyaad Bare Sido kale  Waxa Uu Ka Mid Ahaa Odayaashii Gundhiga U Ahaa Aasaaska Hawlaha Dhaqanka Iyo Kala Danbeynta Ka Jaanqaaday Somaliland  Isagoo Ka Mid Ahaa Ragii Samataliska Ahaa Ee Horseeday Gobinimada Iyo In Dalka Laga Saaro Isticmaarkii Gumeystaha Ahaa.

Mursal Nuux Cismaan Ayaa Marxuum jiif Aaqil Aw Yuusuf Magan Faarax Ku Sifeeyay In uu Ahaa Halyeey Ku Suntan Taariikhda Lama Ilaawaanka Ah Ee Shacbiga Reer Somaliland Isagoo  Sheegay In Uu Boga Hore Kaga Jira Dadka Wakhtigoodii U Hurey Dhexdhexaadinta Iyo U Garniqista Umadda Uu La Noolaa, Isagoo Lagu Xasuusto In Uu Caanku Ahaa Cadaalada Iyo Garsoorka  Oo Bulshadu Ku Qanci Jirtay Habka Uu Ugu Garqaado

Wuxuna Marxuumku Bulshada Kula dardaarmi Jiray Ilaalinta Nabadgalyada,Xoojinta Diinta Iyo Wadaniyada. Iyo Dal jeceylka

Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa Marxuum Aw Yuusuf magan Faarax Illaahay Uga Baryay In Uu Janooyinkisia Ku Casuumo Xabaasha U Faalaliyo Kana Yeelo Marti La Jecel Yahay Oo Kitaabkisana Midigta Ka Siiyo.

Qoyskii,Qarabadii,Ehelkii,Asxaabtii,Shacbiga Reer Gabiley,Iyo Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxayna Waxa Uu Illaahay Uga Baryay In uu Samir Saadiqa Ka Siiyo Aamiin Aamiin Aaamiin Aaamiin

 

 

 

Exit mobile version