Gudoomiyaha Kooxda Fanka Ee Waayaha Cusub Oo Sheegay In Dawlada Farmaajo Ku Bixisay 50,000 Oo Dollar Heesta Naba iyo Naxdin.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha Kooxda Waaga cusub Shiine Cabdilaahi Cali Akhyaar ayaa ku ee deeyay Dawladda Soomaaliya in ay ku bixisay lacag gaadhaysa 50,000 Doolar sidii dislike badan loo saari lahaa muuqaalka heesta ay soo saareen.

Fannaanka Shiine Cabdilaahi Cali (Akhyaar), oo wareysi siiyay BBC-da ayaa faahfaahiyay ujeeddada ay heesta usoo saareen ayaa waxa uu sheegay in dadku aad usoo dhaweeyeen, ayna ka fal celiyeen in ka badan 30,000 ilaa 40,000 oo ka hadlay”.

Gudoomiye Shiine ayaa sheegay in ay qariyeen qeybta laga arko like-ga iyo dislike-ga ee muuqaalkaas, isagoo sharraxaya sababtana wuxuu yiri: “Sababta aan u xirnay like-ga iyo dislike-ga waxay ahayd inaan sida ay dadka ugu marin habaabinayaan, inay guul ka  dhiganayaan oo ay muujinayaan in Waayaha Cusub ay shacabka Soomaaliyeed dislke gareeyeen.”

Sidoo kale Wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay lacag ku bixisay sidii dislike badan loo saari lahaa muuqaalka heesta ay soo galiyeen Waahaya Cusub.

“Saacadihii ugu horreeyay si fiican ayaan ula soconnay, laakiin waxaan ognahay in 50,000 oo doolar ama 40,000 oo doolar ku dhawaad loo adeegsaday in lala dagaallamo xorriyatul qowlka, oo lagu soo iibsaday dslike sidoo kalena abaabul laga sameeyo baraha bulshada,” ayuu yidhi.

Halkan Ka Daawo Heesta Jiifka u Diiday Dawlada Farmaajo.

 

Exit mobile version