Kalfadhiga Golaha Wakiilada Somaliland Oo Dib loo Dhigay

Sidda lagu shaaciyay Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoonka Golaha Somaliland dib dhac ayaa ku yimid kulankii Golaha ee lagu waday in uu maanta ka furmo Magaalada Hargeysa.

Warqada ayaa sidoo kale lagu xusay in sababaha keenay dib dhac ay ka mid tahay Cudurka Covid 19 oo dunida dhibaato ku haya.

Sidoo kale Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland ma shaacin Goorta uu furmi doono Kalfadhiga Golaha.