Daawo :-Xubno ka Tirsan Golaha wasiirrada Somaliland Oo Laga Helay Caabuqa COVID-19

War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xubno kamid ah golaha wasiirrada laga helay xanuunka Coronavirus oo hadda aad ugusii baahaya dhulka Soomaaliyeed.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in labo xubnood oo ka tirsan wasiirrada laga helay xanuunka, xaaladdooduna ay wanaagaantahay.

Maxamed Axmed Cawad oo ah wasiirka wasaaradda maal-gashiga Somaliland ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga lagu gudbiyo farriimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in baaritaan lagu sameeyay laga helay COVID-19, xaaladdiisuna ay hadda hagaagsantahay.

“Waxaan sameeyay baadhitaanka caabuqa covid19, jawaabtuna posative ayeey noqotay, xaaladeydu way fiicantahay, wax xanuun ah oo aan dareemayana ma jiro ” wasiir Maxamed Axmed Cawad ayaa ku qoray Twitter-kiisa.

Maalmahii ugu dembeeyay xanuunka COVID-19 ayaa aad ugu baahayay Somaliland, iyadoo dad badanna uu soo ritay, balse wasaaradda caafimaadka ayaa wadda dadaallo lagu xakameynayo.

Wasiirkii labaad oo xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa sheegay in laga helay cudurka Covid-19.

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr Cabdiweli Suufi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in laga helay cudurka.

Qoraalka wasiirka ayaa u dhiggan sidan.

“Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’.
Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay.
Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno.
Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen.
Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan.
Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland.

Guryaha jooga
Kala fogaada
Gacmaha maydha
Taxadirku waa muhii”

Image may contain: 1 person, sitting