Kenya Oo La Sheegay Inay Diblomaasi Khabiir Ah U Soo Magacaabayso Somaliland

Nairobi (Gnet) – Mr. Rashiid Cabdi oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo u dhashay Dalka Kenya ayaa sheegay in Dawladda Kenya Xafiiska ka furanayso Hargeysa Madax uga dhigayso Mid ka mid ah Diblumaasiyiinta Khuburada ah ee Kenya.

Rashiid Cabdi oo hore uga mid ahaa Hay’adda Caalamiga ah ee ICG, aadna u falanqeeya Arrimaha Gobolka Geeska Afrika ayaa qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka wuxuu ku sheegay in Xafiiska Kenya ee Hargeysa uu Madax ka noqon doono Danjire Philip Mundia Githiora.

Diblumaasigan oo si wanaagsan ugu hadla Afka Ruushka ayaa in badan ka soo shaqeeyay Safaaradaha Kenya ee Dibedda.

Ugu dambayn, Dawladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore laga soo weriyey inay Xafiis diblumaasiyadeed ka furanayso Somaliland, laakiin warka hadda cusub ayaa ah inuu Xafiiskaa Madax ka noqon doono Philip Mundia Githiora oo ka mid ah Khuburrada dhinaca diblumaasiyadda ee Kenya.

Warka Philip Mundia Githiora ayaa soo baxay, Toddobaad ka dib, markii ay Madaxweynaha Somaliland kulan kula yeesheen Xildhibaano ka socday Aqalka Baarlamaanka Kenya, kuwaasi oo booqasho ku yimid Somaliland.

 

W.Geeska iyo GNN