Sudan Oo Laashay Xeerka Ciqaabta Riddada Khamriga-na U Fasaxday Dad Gaara.

Muddo soddon sano ah oo sharciga Islaamku ka jiray dalka ayaa Sudan waxay wax ka bedel ballaadhan ku samaysay xeerka ciqaabka ee dalkaas oo waxa ka mid ah in dadka aan Muslimiinta ahayn loo ogolyahay khamriga iyo sidoo kale in la laalay ciqaabtii ridada iyo in dadka lagu karbaasho fagaare.

“Sudan waanu ka baabiibaynaa dhamaan xeerarka xad gudubka ku ah xuquuqda aadanaha” ayuu yidhi wasiirka caddaaladda Naasirudiin Cabdul Baari.

Xeerarkan cusub ayaa todobaadkii hore la ansixiyey laakiin hadalkan wasiirku waa tallaabadii u horraysay ee si fagaare lagu faahfaahiyo xeerarkan arimaha ku jira.

Xeerarkan cusubi waxay dhigayaan in aanay qofka dumar ahi ogolaansho uga baahnayn ragga ehelkeeda ah si ay caruurteeda safar ugu kaxayso.

Dib u habayntan xeerarka waxa la dhaqan gelinayaa ka dib markii hogaamiyihii mudada dheer dalkaa ka talinayey ee Cumar Al-Bashiir sannadkii hore xilka lagaga tuuray mudaharaaddo ballaadhan oo dalka ka dhacay.

Xukuumadda Sudan ee haatan waxay ka koobantahay kooxihii hormoodka u ahaa rididii Cumar Al-Bashir iyo xulufadiisii hore ee milatariga dalkaa ka tirsanaa ee inqilaabay isaga [markii rabshaduhu demi waayeen.

Dadka xeerka rida lagu qaaday ee aadka loo xasuusto waxa ka mid ahayd Maryam Yaxya Ibraahim Isxaaq oo ahayd haweenay iyada oo uur leh sannadiii 2014 lagu xukumay deldelaad maadaama oo ay guursatay nin Masiixi ah.

BBC