Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya Oo Xaqiijiyey Xadhiga Jawar Mohamed

Addisababa(GNN):-Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in Jawar Mohammed oo ka tirsan Kongareeska Oromo Federalist Congress uu Xidhan yahay  xabsigana ku jiro.

Taliyaha booliiska federaalka Endeshaw Tasew ayaa ka soo muuqday warbaahinta dowladda
fiidnimadii Caawa isagoo sheegay in la qabtay 35 qof oo uu ku jiro Jawar Mohammed.
Wuxuu sheegay in hubkii ay wateen ilaalada Jawar sidoo kale la qabtay.
hubkaas oo isugu jira, 8 qori, 5 bistooladood, iyo sagaal qof oo ilaaladiisa.

Taliyaha booliska Oromada Ararsa Merdesa ayaa dhankiisa sheegay in kooxda uu hogaamiyo Jawar Mohammed ay isku dayeen inay ka hortagto in maydka fanaankii dhintay ee Hachalu Hundessa loo qaado magaaladiisa, Ambo.

Waxaana markii Cisbitaalka St Paul ee Addis Ababa laga soo qaaday kuna sii jeeday magaalada Ambo kadib markii ay qoysku codsadeen, ayaa kooxdan uu horkacayey jawar  waxay ku joojisay Burayu waxayna geeyeen Addis Ababa, ayuu yidhi taliyaha.

 

Dad Badan oo Wax ku qora Baraha Bulshada ayaa isla markiiba la wadaagay Xadhiga Jawar Mohamed oo inta badan u ololeyn jiray Qowmiyada uu kasoo jeedo ee oromia.

Dilka fanaankan ayaa rabshado hor leh ka kiciyey guud ahaan dalka ethiopia gaar ahaan deegaanada oromia iyadoo ay jareen jidadka isku xidha dalka jabhada oromia ee kasoo horjeeda maamulka dalka.