Wada-hadalladii Jabuuti Uga Furmi Lahaa Guddiyada Farsamo Ee Somaliland iyo Somalia Oo Baaqday

Hargeysa: Waxa baaqday Shir Magaalada Jabuuti Toddobaadkan uga furi lahaa Guddiyadii farsamo ee loo xulay inay sii wadaan Waxyaabihii lagaga Wada-hadlay Shir-madaxeedkii Somaliland iyo Soomaaliya ugu soo gebogabeeyay Dalka Jabuuti.

Saddex Guddi oo loo xulay inay ka wada-hadlaan Arrimaha Saldhigga u ahaa Wada-hadallada, gaar ahaan Qodobbadii lagu heshiiyey ayaa Qorshuhu ahaa inay Sabtidii Toddobaadkan isku hor-fadhiistaan Magaalada Jabuuti, laakiin wuu baaqday Shirkaasi.

Guddiyada Somaliland iyo Soomaaliya u soo xuleen inay sii wadaan Wada-hadallada ayaa Qorshuhu ahaa inay Jabuuti ku kulmaan 15 Maalmood ka dib, taasi oo ka soo bilaabmaysay 18-kii Bishii June, 2020 oo Jabuuti la soo gebogabeeyay Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay goob-joogga ka ahaayeen labada Madaxweyne, hase-ahaatee kulankan oo ku beegnaa Sabtidii la soo dhaafay ayaan suurto-gelin.

Ilaa hadda ma Cadda Sababta baajisay kulanka ay Jabuuti ku yeelan lahaayeen Guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin baaqashada ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya Toddobaadkan hawada ka celisay diyaarad ku soo jeeday dhinaca Magaalada Hargeysa, taasi oo la Qiyaasi karo inay dhalin karto Xurguf siyaasadeed ee cusub.

Dhinacyada Arrintani khusayso ayaan illaa hadda wax yar ah ka soo saarin sababta keentay baaqashada.

Geeska.net/Hargeisa Office